Quwadeyda maahee
Qaaliyeey hadaan karo
Murugta aad qosolkiyo
Ku qarineeso dhoolaha
Soow kaama qaadeen-
Samaan mooyee abid
Xumaan kugu saluugaba
Maan saarin dhaayaha
Sihaamey waxaa tahay
San ku neeflahoo idil
Anshax tii u sidatee
Quruxdana sadkaagii
Waxaa kuu siyaada ah
Dhaqankeena suubane
Gabar adiga kula siman
Hadaan uurka lagu sidin
Maba saarno dunidee
Dhigaa ugu saree abid-
Kaftankaaga dheeshiyo
Kartidaada dhamideed
Ayaan kugu jecleeystee
Kaalay aan dalxiisnee
Muqdishana kol gaarnee
Nolol aan kadeed wadan
Ku dakeeno guur wacan
Jaceylkeenuna ahaa kor-
War Nacasoow jaceyloow
Nuxuusiyoow dilaayoow
Markaan nabar bogsiiyaba
Sii nusqaami mooyee
Naxariis miyaad garan?-
Ma abaalkey baa Adoo iga maqan
Oo Warba ii heyn Umulka caashaqa
Intuu igu dhigay Inaad jees jees
Iga har walaal Oo iloow wixii
Riyay ahaayeen Kulli igu tiraah?!-
Jaceyl dhaba hubaashii
Dhibaatiyo ma wayaaba
Wax dhantaala abidee
Adiga uun dhankaaga
Caashaqa ha dhaawicin-
Ifka jannada taaliyo
Waa nolol jaceylkuye
Miyaan jawharad iyo
Jawaan lacaga siistaa?-
Doob wali adoo ahoo
Daar rageedna aan galin
Inaan kala dayoownaa
Dar Alle ma daw baa?-
Haddii aan quruxdaada
Qunyar aan amaaniyo
Eray aan ku qeexoo
Sidii qaanso roobaad
Qorax sii dhaceysoo
Iftiinkeeda qeebsamay
Dhirtoo wada qoyaana
Sideedaad qureysheey
iL qaboowsi leedahoo
Xilo qeyr qabtaa tahay-