Cabdifitaax Cusmaan   (Cabdifitaax Cusmaan)
114 Followers · 36 Following

A Somali, born in Mogadishu..
BBA @ Mangalore University
Writer/
Joined 21 October 2017


A Somali, born in Mogadishu..
BBA @ Mangalore University
Writer/
Joined 21 October 2017
26 MAY 2024 AT 16:32

Wuxuu Eebbe kuu qoray
Sinna looma waayee
Inta aanad waayaha
Waqtigaaga eedeyn
Sii filo wacnaantoo
Intuu waqalku kuu di'in
Weelasha usii dhigo...

-


10 MAY 2023 AT 1:58

Nin ku yiri "wuxuu yiri"
Waxaad tirina wuu yiri,
Waayahay hadaad tiri
Adigaa walhadayoo
Dhabbihii wacnaa iyo
Samihii ka weecdaye
Wiiqmay aniga hay oran
Waayaha adduunyadu
Markeey kula wareegaan

-


10 MAY 2023 AT 0:09

Hadaad dhaayo leedahay
Loo dhameeyay aragtida
Dhimirkaagu taam yahay
Waxeey dhagtu maqashiyo
Dhambaalada laguu diray
Dhabta maxaad u moodaa?

-


7 MAR 2023 AT 0:01

Waxaan doonayaa adi
Inaan daarta Aakhiro
Janno kula dagaa abid

-


16 FEB 2022 AT 22:07

Dhagahaanan waanada
Maqal een dhageeysanin
Madaxeey ku dhaganyihiin
Marka laba cad loo dhigo
Dhankiiseey la soo go'i
Talada madaxu soo dhiso
Ma dhageeysanayaan
Dhibta hadhow timaadiyo
Dhiilo qaadi maayaan....— % &

-


19 SEP 2020 AT 9:48

Quwadeyda maahee
Qaaliyeey hadaan karo
Murugta aad qosolkiyo
Ku qarineeso dhoolaha
Soow kaama qaadeen

-


28 JAN 2020 AT 20:18

Inkastoon cataaw
Caro badan qabo
Ma cad goostee
Cafis iga gudoon

-


23 JUN 2021 AT 11:29

Ehel baad u tahay sharaf
Magac iyo isir habboon
Udug baad u tahay nolol
Iyo ileys kaahoonan damin
Farax baad u tahay udub
Iyo tiir adag oonan jabin
Astaan baad u tahay qurux
Iyo xishood iyo asturnaan
Inkastood qof qura tahay
Anaad ii tahay adduun

-


28 APR 2021 AT 14:49

War Nacasoow jaceyloow
Nuxuusiyoow dilaayoow
Markaan nabar bogsiiyaba
Sii nusqaami mooyee
Naxariis miyaad garan?

-


8 APR 2021 AT 0:23

Caqabadaha noloshana
Cashar weeye mudanoo
Lagu dhigin culuumtee
Wax ka baro culeesyada
Cabashana ka dheeroow

-


Fetching Cabdifitaax Cusmaan Quotes