Markaan daris ahaaneen
Dadab guur yagleelnana
Waxaan ilaaway dumar kale
Ineey dunida joogaan-
Samaan mooyee abid
Xumaan kugu saluugaba
Maan saarin dhaayaha
Sihaamey waxaa tahay
San ku neeflahoo idil
Anshax tii u sidatee
Quruxdana sadkaagii
Waxaa kuu siyaada ah
Dhaqankeena suubane
Gabar adiga kula siman
Hadaan uurka lagu sidin
Maba saarno dunidee
Dhigaa ugu saree abid-
Sirtaan kugu jeclaadayna
Sahraay waxeey tahay
Hadaan sadar ku muujiyo
Ruux adiga kula siman
Hadaan uurka lagu sidin
Ifka maba dul saarnoo
Wali cago ma soo dhigin-
Heemaalka quruxdiyo
Muuqaa halaasiga
Hibo weeye Eebuhu
Hodan gaar u siiyee-
Ehel baad u tahay sharaf
Magac iyo isir habboon
Udug baad u tahay nolol
Iyo ileys kaahoonan damin
Farax baad u tahay udub
Iyo tiir adag oonan jabin
Astaan baad u tahay qurux
Iyo xishood iyo asturnaan
Inkastood qof qura tahay
Anaad ii tahay adduun-
Quruxdiyo ilwaadkana
Ruux lagu asteeyaa
Uur hooyo mooyee
Ifka maba dul joogoo
Ilaa eegga maba dhalan-
Nolosha wiilkaad la qeybsan
Wuxuu yahay qof nasiibsan
Qaablaay ma tihid murunsan
Wuxuu helay inan qabowsan
Asmoo qadartaba yaqiinsan
Ku qaabishana waji faraxsan
Wuxuu dagay laab qanacsan-
Adaan dahab iyo xariir
Duunyo kaa bixin lahaa
Adaan dikriyo qur'aan
Duco kuu soo aqriyaa-
Qurux lagu daray hanaan
Heybdad lagu helo amaan
Aqoon lagu saday hufnaan
Naxariis hiil iyo mudnaan
Hodanimiyo gacan furnaan
Milgeyn hooyiyo samaan
Fatxaa hablaha dhammaan
Adduunyada u ah hoggaan
-
Qiyaas in kugu habboon
Qureysh baa tee ogoow
Dumar qiimahoodana
Wanaag iyo quruxba
Cidna kulama qeebsane
Adaa qaatay kaligaa-