Omar Dhemow   (Cumar Dheemow)
30 Followers · 2 Following

Joined 13 September 2018


Joined 13 September 2018
1 JUN 2021 AT 2:12

Hadaan kuu booyay
Billaahi ku doonay
Dullinimo biirtay
Ummaan so bareerin

Bukaanka bastiiya
Dhaqtarka birtiisa
Ka maanaca baanta
Damiirko bilaasha
Bahalnimo weeye

-


28 MAY 2021 AT 1:44

Qaxarsane maskiinkaa
Waratonimo ku quud daya
Qarashkiisa xaaraan
Nin ku qaatay lama qabo

Qabiil waa is barashee
Walle qiilna uma dayo
Ninka qooqan sidduu rabo
Eraygayga uma qoro
daba qaaday gaariyo
Qasab kuma balwayn karo

-


28 MAY 2021 AT 1:41

Waxa aan u qeylshaa
Dhibanaha qarqaysmoo
Aan helin qudhaa jaran
Ruux loo qisaasaa

Ninka qaraxu cirib tiray
Milil qurunle sii dhura
Qasac uu ku keydsaday
Dawadiisa kama qubo

Runta beenta lagu qasay
Qalinkaan ku kala dhigay
Dib qardoofyo uma galo
Bartuu qaayibaa falan

-


10 MAY 2021 AT 23:09

Berrina garab kale ka goo
Ma gilgilatee gumee
Kala goosatayee gasee
Xamar gubatayee god gee

Gaws isku riixyo dhoob
Geerida tacsideeda badi
Damiir goohaa ka dhowr
Gallada kursigun ku koob

Ganafka geesaha ku dhufo
Halkay galbihii tagaan
Markuu gabalkoodu dhaco
Gudcurka gaadmada ku beeg
Guulwade mooyee dhufaan

-


10 MAY 2021 AT 23:02

bartay jugtaba ka yeerto
Jidkuu ololkeedu yaallo
Ayaan warbixino ka jeedin
Jannaan u rajayn bidooyin

Abdadu meel ay jarmaaday
Dhul ay jees qanacsan joogin
Jowharad iyo faagisteeda
Ninka u jarmaada baan ahay
In loo jiibinaya rajeeya

-


10 MAY 2021 AT 22:57

Ma jiifsano mana jihaadno
Innagu jidkaan ma dhaafno
Jugtiyo qaraxana ma joogsan
Jidbaa ii hayso maamul
Dhimashadu waa jaaniskayga

Ummad jahwareertay eegga
Hilbaha jarmayaa daciifin
Dareen jixinjixana haysan
Ayaan u hayaa jagooyin

-


4 APR 2021 AT 16:57

Arxan maleh dhankeedu
Anna ilin wax dhaafa
Kuma eedo sheegto

-


31 MAR 2021 AT 22:51

Qofki aan salaamaba
Sida uu diiwaan side
Ka yahay jiraal sugan
Aniga oon sogordahin
Waxa aan u seershaa
Sirahay dhamaantood

Saaxiib mahee lihi
Sulle baan ku kali ahay
Siraad baan dul jooga
Surmi waa ayaankay
Salal waa sidiisii

-


29 MAR 2021 AT 18:27

Sullahii dhibaatada
Sax ahaan qofkaad tahay
Waa adiga saxiixe
Sareedada halkay taal
Sanka maad la raacdaa

-


24 MAR 2021 AT 21:34

Wado waaye xanaf tiran
Waxiid baa kasoo diray
Waab deyran samadoo
La malaysan waxa yaal
Suubanena kasoo wari,
Awr-kacsi way ka wayntee
Waadaduse waayadan
Furuuc un wax loo saar
Gaalnimay waqlalayaan

-


Fetching Omar Dhemow Quotes