Waayohoo Cakirmaa, cidhiidhi dhaloo Nasiib nin casumaybaa, nin kale ciilee
Cuudkaagu haduu, Adiga cimid yahay Tiriyo caddad maleh, sabool caydh ihi.
Laabsaalax-
Waar miyaan la dhimanayn?
Adduunyada la dhaafayn?
Dharaar Aan Qareen jirin
Wayso Aanay dhawrnayn
Dhoobo la isku owdeyn?
Feedhuhu is dhaafayn?
Qayd cad la isku dhuubayn
Ka dhanbalay Dadweynaha,
Dhegta Dhiiga Darayoow,
Qiiyamuhu markuu dhaco,
Maalintan Dhufays jirin,
Xagee baad ku dhuumani?
Laabsaalax-
Marka Walax Dareera ah
Birta Laga Dhex Doonee
Qayrkaa Hubkaa Daran
Qaranimo Dufaaciyo
U samaysto Duulaan
Adna Maaha Doonoo
Walaalkaa Dil-kiisiyo
u Adeegso dirirtoo
Ummadaada dabargoo
...
.....Laabsaalax-
Naftaada inaad u doorto nin qurx badan ama lacag leh, waxa ka muhiimsan inaad ubadkaaga u doorto aabo wanaagsan.
..........Laabsaalax...................
-
Muhiim maaha in aad noqoto qof wayn si aad dulqaad u yeelato, balse waxa muhiim ah inaad dulqaad yeelato si aad u noqoto qof miisaan ahaan iyo caqli ahaanba wayn. laabsaalax
-
Haday Maalintu Kugu Xuntahay,
Macnaheedu Maaha noloshaa kugu xun.
abwaan Laabsaalax-
In BEENTA sheegideeda lagu jeclaado waxa ka haboon in RUNTA sheegideeda lagugu Naco
Abwaan Laabsaalax-
Noloshu Ma DhaMaato balse Way is bedeshaa, fursaduhuna ma qarsoomaan balse way dayacmaan
Laabsaalax-
Noqo Qof Wanaagsan, Balse Ha isku dayin inaad dadka ka dhaadhiciso inaad tahay Qof Wanaagsan
Abwaan Laabsaalax-