Cali Good  
0 Followers · 1 Following

Joined 4 March 2024


Joined 4 March 2024
30 APR AT 20:51

Kobtan aynu ku noolnahay
Qof daacada ka waayoo
Haatan waan ku daalaye
Inaan kali ahaadiyo
Kun inaan shukaamiyaan
Kala dooro leeyehee
Bal waxaad ku talisaan
Komantiga kusoo qora.

-


30 APR AT 20:35

Hasaawihiyo caahaqu
Hal qudhaata maahee
Kala garo haboonney
Hadaladda macaanee
Lagu dago haweenkana
Hore lagama qaatee
Waa layska hubiyaa
Ninka kuu hanwayn iyo
Kii hantaaqo kula raba

-


30 APR AT 20:29

Ruuxa qiimihiisiyo
Garta qaayihiisiyo
Wuxuu dheeryay qayrkii
Qawlka uu yidhaahdaa
Qalbiyada dadkoo idil
Qisuu kaga tagaayoo
Waa loo qushuucaa

-


30 APR AT 20:21

Madaxdeena maantiyo
Masuuliyiinta jira ee
Maamula xafiisyadu
Ma eegaan aqoon iyo
Mihnad ruux yaqaannee
waxay mudnaanta siiyaan
Ninka maalka haystiyo
Magac kay wadaagaan

-


30 APR AT 20:13

Adigoon naftaada iyo dabarin nolosha qoyskaaga
Naf inaad jacayl ku beertaa niyad jab weeyaane
Nimankii hore murtiday noo tabsheen waxay inoo sheegi
Nin daryeela tiisaa naflaha taakulayn kara,e
Nin martiyi miyuu soori karaa manfac nimaan haysan.

-


30 APR AT 20:06

Dhammaan xubnahaaga iyo
Dhuuxiyo lafahaaga iyo
Dhismaha ku dhexyaal qalbiga
Ka dhawr aadmigoo dhan oo
Furaha ruux qudha u dhiib
Dhaayaha isaguun ku eeg
Dhagaha siiyo ka maqal
Wuxuu kugu dhiirriyee
Wanaagu ku dheehanyahay

-


30 APR AT 19:59

Inay nolol dhistaan iyo
Axdi labada meel dhiga
Bal maxaa dhaqaaliyo
Dhib wixii ku keenaya
Ee kala dhantaalaya
Shardi looga dhigayaa
Ee laysku dhibayaa

-


30 APR AT 19:55

Adoon dhaawicin naftaada
Oo aan dhib u gaysan tayda
Jacaylku miyuu dhab kaayay

-


30 APR AT 15:33

Inta dumar kor saarane ku dul noo aduunyada
Kumaan arag adoo kale kawnkan aynu joognee
Quruxdaada kiiney miyaan koobi karayaa
kashaydiyo qalbigaba anaa kuu furaaya,e
Kalgacayl xad dhaafaana anigaa ku siiniye
Cidna kulama simayoo kaa raaci maayo,e
kaamana tagaayoo kula guursan maayo,e
Kaalay aynu midawnoo xalaal ayn ku kulanee

-


Seems Cali Good has not written any more Quotes.

Explore More Writers